VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Abdikayba waan jiray - Lyrics

Abidkayba waan jiray Jab intuu dhacaayee Waaban joogay dunidani Wixii uu rag jiitee 2× Jiilaalku ima karo Iyo jidiin caddaadkuye Jiilaalku ima karo Iyo jidiin caddaadkuye Ma jilcamo ma jiifsado Mana jiriiricoodee Ma jilcamo ma jiifsado Mana jiriiricoodee Soo jiidh wanaagaa Jeenigaa kusoo qaad Amaba oodda soo jabi Dhaxan belo u joogee 2× Jirridaan go'ayninoo Xidid jiidataan ahe Jar haddii aad is leedahay Jidiid ima karaayee 2× Ajasha eebbe mooyee Naftan joogsan maysee Ajasha eebbe mooyee Naftan joogsan maysee Ha jidiin caddaanina Hadal ima jareeyee Soo jiidh wanaagaa Jeenigaa kusoo qaad Amaba oodda soo jabi Dhaxan belo u joogee 2× Jeex biraha ka hadhay iyo Jab finiina baan ahe Wadnahaygu jilawdiyo Ma yaqaan juglayntee 2× Kollay jabaq dugaag tahay Jid aan raacay kama noqon Kollay jabaq dugaag tahay Jid aan raacay kama noqon Kama joogsan weligay Halkay laabtu jamatee Soo jiidh wanaagaa Jeenigaa kusoo qaaad Amaba oodda soo jebi Dhaxan belo u joogee 2× Dhaxan belo u joogee Dhaxan belo u joogee
Queue is empty
-- / --