VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Allahayow nin daacad ah - Lyrics

Jidhku wuxuu dubaaxshaa Damqadaa halbowluu Xididadu darooraan Ama dhiiga daadshaan Afku hadalka daayaa Dibnihiisa haystaa Doqontaa nasiib lihi Marka ay ku dooxdee Birta kaala daashee Kugu celiso daabkee Waxay doodi furantahay Ruux kuu daraan jiray Marka aad ku digatee Xaqu kuu duleeyee Alahayow nin daacada Alahayow nin daalina Deeqdaada haw simin Iyadoo la degayoo Caradii la duuboo Degelkii la taagay Dadku caafimaadoo Rabigay daweeyoo Dambar laga waraabshoo Dedkii layga qaadoo Dabku ii iftiimay Indhihii dilaacay Laga furay daboolkoo Doogiyo barwaaqada Farxad daawanaayee Bal dayaay ayaamuhu Isku darajo maahee Alahayow nin daacada Alahayow nin daalina Deeqdaada haw simin Deeqaay wanaageey Dawo caafimaadeey Hantidii dadkaygaay Dhaxalkii dalkaygaay Dhaxantiyo daruuraha Dadab laga galaayeey Dayax iyo cadceedeey Dabka lagu hirtaayeey Duco qabi ka xeeldheer Dabwarkiyo hareegtee Digarogashadaadana Degdeg laygu keenayoo Aniguba daraadaa Waan soo dabaashee Alahayow nin daacada Alahayow nin daalina Deeqdaada haw simin Dantu wada jirguud bay Dayac kaga fogaataa Karti iyo dadaalbaa Gobonimo daryeeshee Dadku wuxuu ka maalaa Kolba siduu u daajee Ma dabaal degaygiyo Caawa dadab galkaygaa Dumarkiyo caruuruu Igu diirsadeenoo Doogiyo barwaaqada Farxad daawanaayee Bal dayaay ayaamuhuIsku darajo maahee Alahayow nin daacada Alahayow nin daalina Deeqdaada haw simin
Queue is empty
-- / --