VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Babaygii Jamaame - Lyrics

MAHAMED MOOGE Babaygii jamaamiyo Camba jilib kuyaalaay Ubaxii janadiyo Jowharaad lamoodyeey Jidhkaaga udgoonbaa Isoo jiidanaayee Jeegaan sideedaad Wadnahayga jeexdee Haa i odhanin jawaab qura Geenyadii jaraysaayi Mataqaan jikaarkee Jidiinkaagu raaxada Mamid jaahil ka ahbaa ..................................... Jeertaa gadoodoo Jirifta iskakicisoo Ruuxii horjoogsada Howl yari ku jiidhee Sida jiir dhalaan heley Haa ujirabin naftaydee Waxaan kaaga jeedaa Jinaw inaan wadaagnee Qarda jeexa igadaa Geenyadii jaraysaayi Mataqaan jikaarkee Jidiinkaagu raaxada Mamid jaahil ka ahbaa ...................................... Jamaal qurux wanaageey Jaleecadaan ku eegaba Jacayl igu abuurmoo Kaa jeedsan waayeeeee Xageed iga jiraysayoooo Jahadeebaad ku noolayd Jeexaygii midigeeey Jidka laysma taagee Jinaweey isoo raaac Geenyadii jaraysaayi Mataqaan jikaarkee Jidiinkaagu raaxad Mamid jaahil ka ahbaa. lyrics by Cabdi Ismacil
Queue is empty
-- / --