VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hami Iyo Jacayl - Lyrics

Hami iyo jacayl hawl iyo dhib sida waanu haadiyoo Habeen iyo dharaar hurdo iyo anfaco labada ka hadhay Waa hordhace murtidu waa hawraarti yaanay kaa marin hareer Jeerood i hor timaad oo hasaawe iyo hadal ina dhexmaro Dawoow inaan ladayn maanad hore u maqal Jeerood i hor timaad oo aad hadal macaan heedhe igu tidhaa Dawoow inaan ladayn maanad hore u maqal Ruux kuu hanwayn kuu heelan adi ood u tahay hogaan Hanfi iyo dabayl halas iyo kulayl iyo holoc aan damin Waa hordhace murtidu hanti hawga dhigin hana u dhuganin hoos Jeerood i hor timaad oo hasaawe iyo hadal ina dhexmaro Dawoow inaan ladayn maanad hore u maqal Jeerood i hor timaad oo aad hadal macaan heedhe igu tidhaa Dawoow inaan ladayn maanad hore u maqal Himilada u wacan samo iyo hagaag ama waxa haboon Ruuxa inuu hirgaloh ilaa heerar sare intaa ku hindisoo Waa hordhace murtidu yaan la hakinoo yaan dib loola hadhin Jeerood i hor timaad oo hasaawe iyo hadal ina dhexmaro Dawoow inaan ladayn maanad hore u maqal Jeerood i hor timaad oo aad hadal macaan heedhe igu tidhaa Dawoow inaan ladayn maanad hore u maqal lyrics by: hs khaliif
Queue is empty
-- / --