VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Heblaay mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mohamed Mooge
Heblaay

Mahamed mooge.
….
Heblaaaaay heblay
Gabadh ninlaa tahay
Allow geeya mooyee
Guur kaama sugayee
Waxaanse galabta sheekada
Heedhe uga goleeyahay
Jacaylkaygii go’ayee
Adigu gowracday
Waa gunaanadkiiye
Waa gubaabee iga maqal
Waa gocashee ila arag
Waaa gare bal ila haay
……
Sidiibaan ugudayaa
Guuraha habeenimo
Sidiibay uguud taal
Gibishaydu owrkee
Maqlay gaydhigaagii
Inaad gaydha roobliyo
Furtay guri barwaaqee
Hadii uu geeliii kuu dhalay
Aniga wayga gudhanyeee
Low low low low low
Markaad soogodlaysaba
Ixasuuso gabadh yahay
Mise waa garaad dumar
Kaa guur jacaylkii
…………………………..
Sidiibaana goornabaa
Hurda gama’a uladinoo
Gabalkiyoo sidiibaaaan
Waagaba ugaadhinee
Maqlay gogol samaan iyo
Inaad gaydha dhaxamaha
Gol dugsoon ka hurudeee
Hadii aad gaadhay nolol wacan
Anuu galin maysayninee
Low low low low low
Goob hadaan ku kulanana
Ma igaran lahayd ani
Mise waa garaad dumar
Kaa guur jacayl
…………………………
Sidiibaanu gabaygiyo
Heesa ugu guuxnaa
Kaban giligliglayniyooo
Qalab ugu garaacnaa
Maqlay gabayadaydii
Guubaaba iga timid
Inaad goob ku furatee
Guubaaba iga timid
Maqlay goorta raaxada
Inaad goob kufurateee
Hadii uu caashaq kaa go’ay
Aniga waygu giganyeeeee
Gugeenii samaa iyo
Maxasuusan gacalada
Mise waa garaad dumar
Kaa guuuuuuur jacaaaaylkii

lyrics by Cabdi Ismacil

codkii Mohamed Mooge