VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Mudantii Haweenkaay - Lyrics

Mudantii haweenkaay marwadii la sheegee dadku wada majiirtaay dumar lama mid dhigayee muxubada kal gacalkaa laanyahay magooshee midhihiyo caleentiyo manka lagu talaalee ubax lagu mariimee qurux lagu manaystaay mudo aan yarayn baan kugu soo maqnaayoo ma ogtahay habeenadan sida mayayga roobkoo hadba maayad keenaa ii muuqa taayee muxibada kalgacalka hadba soo mir kacayaa Midhaha hadalku leeyey ereygiisa ma huraan waana loo mashxaradaa midaa taaladeedaa igu mayracaysaa marti waa la sooraa magan waa la bixiyaa haw udhuran masuuge maahmaahda sheegtayoo dhibtan ha igu madinine mudo aan yarayn baan kugu soo maqnaayoo ma ogtahay habeenadan sida mayayga roobkoo hadba maayad keenaa ii muuqa taayo muxibada jacaylka hadba soo mir kacayaa Masalooyin dhawroo mahadhooyideedaan kuu marinayaaye maqal waanadaydanoo miisaan warkeygoo caynkii xalaytoon waaba midhiq ii odhan madaxaanba duubtee naftu way ku maagtayoo kaa maar mi waydayee mudo aan yaraynbaan kugu soo maqnaayoo ma ogtahay habeenada sida mayayga roobkoo hadba maayad keenaa ii muuqa taayo muxibada jacaylkaa
Queue is empty
-- / --