VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waxa dhacay abaara maxamed kaban - Lyrics

Maxamed mooge Waxa dhacay abaaraha : Waxa dhacay abaaraha, Oonkay-yo waayaha, Aheey waxysla mudateen, Ololihii laguu diray, Dhexdii kuu adkeydiyo, Orodkaagii hawlaha, Miyi adoon horaw arag, Markaad aadday gabadh yahay, Aarkiyo maroodiga, Ay waxaad ku kulanteen, Aheey markaan xasuustaba, Uurkay werweri jiray, Aduunbay-gu beernaa, Adduunyada dhammaanteed! Magool: Hablo aan ragga aqoon, Orodka iyo booddada, Oo ila asaagoo, Reer magaalka ugaxiyo, U yaqaanna dhoobada, Kolkii uu Allay baday, Marjo way asqawdaa, Intaan timaha soohdoo, Dhexda aan adkaystaan, Arrimihii ka soo baxay, Adigiyo jacaylkana, Idinmaan illaawine, Intaa waydin tabi jiray, Ee ha moodin kelidaa, Anbaa kula mid baan ahay, Maxamed Mooge: Anba waan ogsoonahay, Hablo ugub sidaadee, Miyi lagu asteeyee, U adeega reeraha, Ragga inay is-celiyaan, Orodkay-yo hawshee, Baga! inaanad uga dhicin, Marwo laguma iishee, Waa lagu ammaanaye, Cidi kuguma soo orin! Ayaamaheenni hore iyo, Sidaad ii Ahaydiyo, Irridihii kal-gacalkaba, Aheey markaan xasuustaba, Hiyigay irdhayn jiray, Maankay olkami jiray, Magool: Sida dhiraha oogada, Ay xididdo aasani, Ilo uga waraabshaan, Ayaan huba kal-gacallada, Anigoo aqoon u leh, Inuu yahay wax igu weyn, Iyo amaano igu culus, Aan aqoonta garashada, U ilaalinaayee, Adigiyo jacalkana, Idinmaan illaabine, Intaa waydin tebi jiray, Ee ha moodin keligaa Amba kula midbaan ahay
Queue is empty
-- / --