VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Anay ii tahay Nasteexo - Lyrics

Anaa nabdigiyo kashaydaa Runtii niyad sami ku siiyay Anaa naafada ka dhawra Nidarkii waa hore dhexdeennaa Anaa nuurkiisa doona Inuu naaquso ka dhawra Cishqiga nabdigiyo ku beermay Dhuumaha neefsiga u keedsha Anaa nabaro jacaylkiyo Nitaaqo inaanay gaarin Anay ii tahay nasteexoo Anay ii tahay nasteexoo Anay ii tahay nasteexoo Anay ii tahay nasteexoo Anaa nolashaada doona Naftayda anaa ku siiyay Anaa niyaddiyo kashaada Nagayni gabashadooda Anaa nolol qaybsigaa U ahaysta dhabtii naruuro Nasiibku inuu samaado Kalgacalku nibcaysto doona Kalgacalku nibcaysto doona Kalgacalku nibcaysto doona Kalgacalku nibcaysto doona Anaa nabaro jacaylkiyo Nitaaqo inaanay gaarin Anay ii tahay nasteexoo Anay ii tahay nasteexoo Anay ii tahay nasteexoo Anay ii tahay nasteexoo
Queue is empty
-- / --