VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Yasmiin - Lyrics

Dhismaha jacaylbaa Intuu igu laxaadsaday Idilkeed naftaydee Itaalkii intaa qaadee 2× Indhahaygaa ruux kale Ilwaad eegi waayoo Indhahaygaa ruux kale Ilwaad eegi waayoo Inay adi ku arkaan U ilmaynayaan uun Aamuusii is leeyahee Is leeyahee 2× Inaan ku irdhooboon Wali kuu ildaranahay Ifka kuugu jecelahay Adba waad ogsoontahee Kaalayoo i daadahee 2× Dhismahan hablaha Kacay aynigaaga Inaad ugu horaysoo Gidigood u sidatoo 2× Ixtiraan iyo edeb iyo Ilaahayna qurux iyo Iiiman qaniya kuu dhali Inaan qaaliyaa tahay Oo amaan u qalantaa 2× Inaan ku irdhooboon Wali kuu ildaranahay Ifka kuugu jecelahay Adba waad ogsoontahee Kaalayoo i daadahee 3×
Queue is empty
-- / --