VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sida - Lyrics

Sida saba ugaaree Qaras go'ay sunteedii Sagaaradiyo cawshiyo Sariirtay dhaxjoogaan Shimbirihu subcinayaa Sootkay isla raaceen Saantiyo ciyaartiyo Sacabkuna aan ukala go'in Sadrigayga iyo laabtiyo Wadnahaad dhaxsurantoo Dareenkaad la socotaa Adaan kaa dharsugayaa Sida sabi caruuree Hooyadii ka safartoo Saqda dhaxi habeenkii Hurdadii ka salaloo Aabahuu sasabayoo Gacmahii ka saaciday Nafta sidaan iraahdaba Samir iga diidee
Queue is empty
-- / --