VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gucasho - Lyrics

ku cugtoo ku caashaqay kuna saartay calankii calafkuna iskeen sii ku cise hankaygani ku casuntay laabtuna niyadaydu kuu culan cad ku yaala eerkiyo cudud aan ku raystiyo mid i caawiyaa tahay cadarkii daruurtaay calcalyada gu, hooriyo cosob iyo naqbaa tahay gaafkiyo caruuskii anoo caafimaad qaba miyaan caawa joogaa cawo dhalad inaan ahay cindigaygu tuu rabay miyaan caawa haystaa cishadaanad ii iman nafta caajis baa dila qof cidloonayaan ahay ruux lala caweeyoo kula cayn ladhaayoo cudooneey mabay dhalan nafta ciirsigeedoow caynaanka dhaayaha caqligaygu kaa jecel cidhifkayga midigeey qalbi aad ku culustaa xiisahaagu ciil tiray gaafkiyo caruuskii anoo caafimaad qaba miyaan caawa joogaa cawo dhalad inaana ahay cindigaygu tuu rabay miyaan caawa haystaa
Queue is empty
-- / --