VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Taariikhdu - Lyrics

Taariikhdu waa buug Taxanaha bad lagu quro Haddaan tabiyo caashaqu Tabtuu aniga ii helay Aadmigaa la tacajabin Naftuu waxay tiraahdaa Markuu tabbo galo jacaylku Oo uu gaaray toddobaad Ma u tiiraanyo reeb Togiyo moowjaddii ku qaaaday Hawl yari loogama tallaabee Markaad talo meel dhigayso Tabkana waligaa ku hayso Ineey tii allana hor taallooo Waa tiri kalsoonidu Lammanuhu u tiigsado Mar haddii tabaaliyo Taws laga ilaashana Tacabkiisu waa guul Hibooy rajadaan tusmaystee Hankaygu tabaabusheeystay Xalkeedii aad tuurtay huunnoo Sideen uga tiraa boggayga Togiyo moowjaddii kuqaaday Hawl yari loogama tallaabee Markaad talo meel dhigayso Tabkana waligaa ku hayso Ineey tii allana hortaalloo
Queue is empty
-- / --