VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhulkeygow - Lyrics

Haddii anan dhulkaygaw
Dhuux cadaawe ku qubin
Haddii anan dhulkaygaw
Dhiig kuugu fool dhaqin
Haddii anan dhulkayga
Gobanimada soo dhicin
Soomali kamaan dhalan

Maalkaaga maan dhaqan
Caanihiisa maan dhamin
Ciidana dhab uma lihi
Haddii anan dhulkaygaw

Gaaja kuugu dhuubnaan
Haddii aan dhibaatada
Dhexda suunka uga xidhan

Haddii anan dhaxantiyo
Milicdaa u dherernaan
Somali kamaan dhalan
Maalkaaga maan dhaqan
Caanihiisa maan dhamin
Ciidana dhab uma lihi

Queue is empty
-- / --