VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Baxnaano - Lyrics

Ubaxii aan beertayoo Kalgacayl ku baxnaaniyaa Intuu midho soo baxshuu Geyaanku u beratamaa Ma inaan isku beego baa? Bulshada uga dhaarto baa? Mayee biligayga iyo Burhaantaydaan ku deyi Boqorkoo isku keen simaa Barkhad iyo waa farxade Haddaad baal iga martona Bartaadaad ku raysatiyo Badhaadhaan kuu ducayn Sed weeye bariido wacan Inaad boholyow dartay Gacaloy ii baaqday baan Beerkaa ka ogsoon ahee Rabbaa ballan oofiyoo Waxuu rabo baajin kara Haddaanu calaf noo bidhbidhin Bir miyaynu ku goyn karnaa? Boqorkoo isku keen simaa Barkhad iyo waa farxade Haddaad baal iga martona Bartaadaad ku raysatiyo Badhaadhaan kuu ducayn
Queue is empty
-- / --