VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Oori Wacan - Lyrics

oori weeyaan wacanoo iido weeyaan gabadhuye aroos khayr qaboo wacan eebe noo ajiibee noo idhaahda aamiin edebtiyo xishoodkiyo asluubteeda wacanbaa daahir u ishaartaye afadiisa noqotaye allow uga dhig tuu rabaye anfacii burtinla iyo allow yaa dhulkeenii agagaarkii jalaniyo oogadii nugaaleed ubaxa uga soo gura ayniyo ladega mudug aynu idiin duceynee labadii isku waaroo ubad kheyr leh kala hela eebe haka yeelee arooskiina aamiin allow tiiri aamiin waalid aad uwacanoo aad loo qadariyaa ilaahay kabeeree ehelkeed gob weeyaan ninkii abid yaqaane inyaroo dardaaran aan idiin idhaahdee aqalkaad tagleesheen ololaha kalgacalkaa ilimada adkeeyoo ayaan laydin kala dilin
Queue is empty
-- / --