VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xiisaha bogeyga - Lyrics

Xiisaha bogaygiyo Baahida aan kuu qabo Hadalada baroortaa Siduu caashaq ii qoday Aan kuu bilaaboo Kuu bayaansho hadalkee Kuu balaadhsho carabkee Iga maqal dareemaha Bilicdii horeetiyoo Awal barashadeenii Bilowgii kalgacalkoo Deg deg iigu beertoo Uga dhigay besteeyoo Labaaxaa degaayaa Bogtii jaceylkooo Boga igaga taala Habogsooto leeyahay Weli baan gudaayaa Marka aan baxnaanshee Beryo aan ladnaadaba Adaa damaqda hortoogyo Bilowgiyo fartaba darey Oo beydh go aygiyo Basanbaaska caashaqa Saacido adaa ibaday wiil yahow adaa ibaday inan yahow adaa ibaday baaqiyo salaantii Nabadiyo bariidadii Adaa baajey samihii Beeneeyay wacadkii Boholyowga igu riday
Queue is empty
-- / --