VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Badbaado - Lyrics

Haddii layna kala xado oo layna kala xado xogteena xanteen xaafaduhu maqlaan xogteen xuduuda dhaafto xarago xaaraanti moodo inaynu xisaabtanoo xumaha iska waaninaa xaqqaan isku yeelaniyo xilkaan qaadnay nafaray xigtooy xubbi baan wadaagnee xanaanka naftaan wadaagnee xaawaay intaan xayyiga nahay xumaantaba kuuma quuree xaqiiqada ila ogow haddaynan xaasidoo idil oo xaasidoo idil ka xigin xiriirka ugoyninoo ka xigan danta xoojinteeda xilliga raacnoon xujownay inaynu ku xeel falnoo xajavaa xarigeed adag xalkeeda ku raadinana xeerka qoyskaa ina faray xigtooy xubbi baan wadaagnee xanaanka naftaan wadaagnee xaawaay intaan xayyiga nahay xumaantaba kuuma quuree xaqiiqada ila ogow Lyrics by Ugaaska
Queue is empty
-- / --