VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Cibaaro - Lyrics

Waayahoo cakirmaa cariiri dhaloo Nasiib nin casuumay baa Nin kale ciilee Ruuxi ceernimo shalaay Marbuu cawo dhalad Noqdaa calanoo Cadcaydii dhalataba Nolashu waa cayn Mrrdin iyo hadaad Caruur weli tahay Da'da iyo cimruguba Ruux bay cugsadeen Adoo cago qaba Hadaad cabaneesaa Curyaan waxaa jiraa Nolashu ku cadiban Cibaaro haddii Caruus loo tumay Cawayska mid baa Ciida lagu rogay Cuudkaagu haduu Adiga cimir yahay Tiri cad ma leh Sabool caydhee Hadaad ku caweeso Cisi iyo nabadee Dadbaa ciil iyo Colaad la ildaran Dantoo ku cusleesay Ceeb ma leh ku ceesh baryada Cibaaro lahee
Queue is empty
-- / --