VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ifur aan wada qaadee - Lyrics

Deeqa ciise: Qushi waa ninkaagee Qanci waa Duqaagi Qarib boogahiisoo Ifur aan wada qaadee Waa qaraar aan gaaree Nimcaan: Qalad qalad laguma saxo Waa quud caraduna Ku qaraabto shaydaan Ee qaaliyee qaaliyee ila joog Waxaan qoomaameeyaa Qarqarsiga sidii aan Intaa qooolka kuu xeray Iga quuso quustay Iga quuso kaa quustay Nimcaan: Ha qasaarin guurkii Qarnigii jacaylkii soo jiray Ha qalan jibin Ha na qubin caruurtii Is qaboooji ladanee Deeqa ciise: Dhaaxaan qabsoomay Qalolqolkayga naariyo Qaac iyo hadduu yahay Qarax aan mar qura damin Qaxay mid kale duubo Anna qoorta aan dhayoo Nimcaan : Isma qabato kaligeed Quman ha igu noqoninee Quntamaha hasoo qodinee Qaladkana ka soo noqo Deeqa ciise: Qaarasoo galbeed eeg Qorax may ka soo baxi Qaaadar eebe mooyee Qudh la jaray miyee soo noqon Qalbi jabay ha naawilin Nimcaan: Qiil male warkaaguyee iga qabo hadalkiyo Qanacaad ma karaayee Beri iyo qaboonaha Qaadiga inoo keen
Queue is empty
-- / --