VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dulqaad baan kaa rabaa - Lyrics

hadalka kii dabacsanbaa jacaylku ku diirsadaa farxad aan laga daalin iyo duxbay sheekadu u tahay doodii badatiyo ilayn muranku waa uga daraa waxaan murti kugu dul furay adoo dusha ka xafidiyo dulqaadbaan kaa rabaa hadaad igu diidantahay mar waan kugu daalayaa sowtaan kugu idhi daraad intaan isku duubanahay miyaan dal shisheeye iyo dibada kaa aadayaa halkaad deeqoow rabtiyoo dalkaan kula joogayaa sidaynu isu dooraniyo duntaan kula haynayaa adaa dunidaba shidee maxaan kugu diidayaa nimcooy caashaqaad cilmiga ku dartoo codkaaga dareenkala i cajabsho calool adaygagaa cajaa iba sidii cir ka hooray meel cosobloo cad ceedi ku soo baxdaad tahay hadaan dar allee ku idhi adigaan dadka kuu jeclahay qalbiga adigaa u dawo ah dookhuna ruux kale ma rabo malaha waad iga didayoo dareenbaad iga qabtaa haday ina kala dilaan daraadaa kuwaan u nacay danbiga meeshaa ka dhaca midkeena danbigaa male jacaylku waa kala daray
Queue is empty
-- / --