VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Leeb jacayl - Lyrics

laaban laab aduunyadu iyadoo isugu ladhan ama kala laxaad roon sidaanay lug iyo faras ugu loolamayn orod ana aan laydha caashaqu laqantooyadaydiyo lumisayee ayaamahan anoon lugo ku taagnayn sow laaha lama kicin miyaan ladayaa habeenkii ladayaa hurdadayaa miyaan liqayaa anfacadii laab jaceyl igu lamaanbaa qalbigayga lurayee loxoskii aduunyadu waa laas gudhayoo liibaantu aduunyadan qofna way lugoysaa midna way uloogtaa qofna way lugoysaa anaa libintu maalmahan way iga ligaxan tahay lahashana ma daayoo ubax laan kuyaalbaa lahaa caaana gaadhee miyaan ladayaa habeenkii ladayaa hurdadayaa miyaan liqayaa anfacadii laab jaceyl igu lamaanbaa qalbigayga lurayee
Queue is empty
-- / --