VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Habeenkii jaceylka - Lyrics

Jacayl aan dhamaanbaa Wadnaha i dhex qaadoo La dhaqaaqi waayaan Dhabtii aan la ooyaa Dheeman la moodyaw Dheeldheel ha moodine Way dheel dheel ha moodine Waa iga dhab jacaylku Soo dhaqaaq dhankaagay Dhab isii macaanaw Dhabta kaalay igu qabo Dhakhtarkii jacaylkaa Dhayi laa naftaydee Kuma dhaafi karayee Soo dhaaf dhankayga Muxibada dhab weeyee Dhami waaxyahayga Aday kaa dhursugayaan Hodaneey hoy waa ayaankeeniye Ha raagoo guurku way noo hagaagtee Hugunkiyo mashxaradiyo Hablahaa ciyaaraya Suugaantiyo heesaha Hoobayda dhaantada
Queue is empty
-- / --