VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Garashada haween - Lyrics

ilayn garashada haween garaad dumar kama sinee gambada way wada xidhaan hadana magacooda guud waloow ay gees ka tahay raxmaba way soo gashaa waxaan ku garwaaqsanaa markii dalka loo gurmaday la raray geediga waxqabad go,aanka muwaadinimo halkay gaadhsiisay iyo waliba halgan geesinimo xusuus aan guuriniyo kalgacal aan abid gu,in dalkaa gidi kuu hayee ducada kula garab socdee guushaadu ma naaqustoo raxmooy geeridaadu dheer kuwii aragtida guracan waxyeelo ku gaysta yidhi taniyo gulufkii ubbada haduu guryasamo la dagay marnaba taan gaabinee xilkeedii gudatayee gargaara ku caan baxadaye adaa gobonimo sharaf illaahay kugu galaday ragana waad garab dhacdaa taariikh wacan baad gashaye amaantuna waa mid gara xusuus aan guuriniyo kalgacal aan abidkii gu,in dalkaa gidi kuu hayee ducada kula arab socdee guushaadu ma naaqustoo raxmaay geeridaadu dheer
Queue is empty
-- / --