VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jamasho - Lyrics

Anoon juuqda hadalkiyo Wali jaraha uban bixin Ayaa jooga muuqiyo Jiidhkuba i deeqee Sagal jiidan caadiyo Sida jiida waabari Jaaheedu hilaac Aniguna jacayl dhaba Jeedaalo eegmada Jamashada miliilica Ma jaleecayaa wali Jalaqsanida socodkiyo Jamaalkeeda quruxda leh Naftu jamatay xiisaha Sida jawharad nuurkeed Jeegaan sideedii Ama jexyo roob helay Indhahaa u jeelee Aniguna jacayl dhaba Jeedaalo eegmada Jamashada miliilica Ma jaleecayaa wali
Queue is empty
-- / --