VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sahwi - Lyrics

Jacaylkii baxnaanada Baryo samir ku qaatoo Boholyoow haduu jiray Farxadiyo bishaarada Ku bogsoo habeenkaagan Bilicdiyo arooskaaga Beegsiga dalxiiskaaga Baladkaaga soo haybi Boorama ku daanshooyo Batalalaale iyo Soo arag berbera Ishu nolosha beenta ah Ha ilawdo barafkee Soo booqo ciidaada Jacaylkii baxnaanada Ku bariistay samahuu Beerqaadka xiisihii Noqay baaqi taran leh Ku banaan bax ayaankaaga Barkhadiyo nasiiibkaaga Binadiyo ubadkaaga Ku badhaadh ayaantaada Ku nagoow barwaaqada Beer taranta iyo Cawo bilan noqo Ishu nolosha beenta Ha ilawdo barafkee Soo booqo ciidada
Queue is empty
-- / --