VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Samir - Lyrics

Waxa aan la dhuubtee Dhakafaarka igu riday Jacayl igu dheehmay Dhawaan i haleelay weeye Intuu dhameeyay jiidhkaygii Lafahaa u dhaadhacay Dhuuxa hoos u marayee Wadnaha u dhuuntee Soo diray dhambaalkii Ku dhignaa afkeenee Akhris kuguma dhibinee Dhool da,ay la moodyeey Dhibta aan ku jira iyo Dhawaaqaan ku leeyahay Dhayal ha u malaynee Waa iga dhab caashaquye Dhankayga wuu ku dheeryahay Dhaayahaad ku aragtaan Haygu dhaafin leeyahay Ileen waan dhursugayee Soo diray dhambaalkii Ku dhignaa afkeenee Akhris kuguma dhibineey Dhool da,ay la moodyeey
Queue is empty
-- / --