VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Imanka way gaabsatoo - Lyrics

Garnaqsatoo, iyadaa gooni u baxdee, geedigii furtoo, nabadgelyay gacaladay ku goosatee. Haddii ay gardarnayd, immika way gaabsatoo, way ii gacalotaa. Iimay geftoo, immika ima guhaadisee, geeddigii furtoo, nabadgelyay gacaladay ku goosatee. Haddii ay gardarayd, immika way gaabsatoo, haddii ay gardarayd, immika waatan gaabsatoo, way ii gacalootaa. Gilgilatoo, nacabkii bay ku giiratoo, ku guulaystoo, anna haatan gu' bay da'ee, geeddigii furtoo, nabadgelay gacalayday ku goosatee. Haddii ay gardarayd, immika way gaabsatoo, haddii ay gardarayd, immika waatan gaabsatoo, way ii gacalatoo. Gujo hoose iyo, immika gaadmo ma qaboo, had iyo goor, annay i raalli gelisaa, geeddigii furtoo, nabadgelyey gacalayday ku goosatee. Haddii ay gardarnayd, immika way gaabsatoo, haddii ay gardarnayd, immika way gaabsatoo, way ii gacalotaa. Garnaqsatoo, iyadaa gooni u faqdee. Iimay geftoo, immika ima guhaadisee, geeddigii furtoo, nabadgelyay gacalayd ku goosatee. Haddii ay gardarnayd, immika waatan gaabsatoo, haddii ay gardarnayd, immika way gaabsatoo, way ii gacalootaa. Lyrics by C/Xakiim Ismaaciil
Queue is empty
-- / --