VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maanta gacan i sii - Lyrics

Inaan beri gantaal bira meel fog kaaga ganayooKuu gaystay nabar wayn Ood gama'i diidoo intaad gilgilo tidhi Kugu reebay goob daran Waan garansanee gardarada i saaroo Hay gelin calooshee hayga goosanine Manta gacan isii maanta gacan isii Gubataye wanaageey golxob ii afaysoo Anaa gaystay xumahee Maynaan gudboonine ununka iga gooyee Waan galabsadee Waan garansanee gardara i saaroo Hay gelin calooshee hayga goosanine Maanta gacan isii maanta gacan isii Hadii aad wax garad tahay garta laysma siiyee Inaan guuray beriyoo Aan galab caraaboo geyi dheer aan tegayoo Kaa goostay taladii Waan garansanee gardarada i saaroo Hay gelin calooshee hayga goosanine Maanta gacan isii maanta gacan isii Nafsigii aan gaaxsadaa ilayn gaabin maayee Raad kayga gurayoo Imankaan gadhkaagiyo gondahaaga haystaa Kaa rabaa gargaaroo Waan garansanee gardarada i saaroo Hay gelin calooshee hayga goosanine Maanta gacan isii maanta gacan isii
Queue is empty
-- / --