VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Godoon - Lyrics

Go’doon     Asaageenu guulbay  Gacmaha is haystaan Talay wadda gorfeeyeen Ayey meel ku gaarayn Annakuna go’doonbaan Goobaha ku kala naal Adaa gaystay mahadhada Garabsiiyey nacabkoo Gees maray wanaagoo Walli aan garwaaqsanoo Meel kale u geediyaa.   Mala waadan garanayn Caashaqa guntiisiyo Macnihiisa guudiyo Dawadiisa gaarkaa  Gacanbaad I siin lahayd.    Anna gacalkaan kuuqabo Hurdo wayga guurtoo Gam’iwaayey awgaa Goordhexe habeenkaan  Gocoshadaa xanuunka leh Ka socdaalaa gogashoo Kugu doonaa guuraha Waxaan sii gocleeyaba Markaan gaaro hoygaa Kaama helo af garashiyo Samma gudashadood.  
Queue is empty
-- / --