VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta La dabaalo caashaqa mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Omar Shooli
La dabaalo caashaqa

Dumar kale ma caashaqin
Hadal danbe kumaan oran
Doqaagu wuxuu rabo
Kolan daynba kuu galo
Wali diiday kuma odhan

Dadku wuu dagaalaa
Dabadeed heshiiyaa
Inaad raacdo duul kale
Ma wax loo dulqaataa
Naftaydii  diidayoo
Kama daadegaysee
Adaa seegay dawgee
Iga durug walaaleey
Haatan dayradaadaa
Ku dadaalayayoo
Ima diirinayside
Ogow dumarku kaa badan
Waan kaa dal doorsaday
Dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa
Waan kaa dal doorsaday
Dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa

Dambi kaama aan gelin
Duleed kagamaan tegin
Hablaha da’aadana
Daandaansi daayoo
Dibnahayga uma furin
Adigay daraadaa
Dakharadu I gaadheen
Inaad iiga durugtaa
Ma wax loo dul qaataa
Daruur ii da’aysiyo
Dabayl caafimaad baan
Deeqooy ku moodee
Waxad tahay qof  ii daran
Haatan dayradaadaa
Ku dadaalayaayoo
Ima diirinayside
Ogow dumarku kaa badan
Waan kaa daldoorsaday
dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa
Waan kaa daldoorsaday
dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa

Danbigaanba waxa dhigay
Wadnahayga doqonkee
Kaa doortay dumarkoo
Aad daryeeli waydoo
Wali daacad kuu qaba
Dad buu ku moodee
Adiguna dab naariyo
Inaad dacal ka goysaa
Ma wax loo dul qaataa
Dayaxoo aleeliyo
Waa duulkii suleekhaan
Dadka kaaga soocdee
Waxaad tahay habeen dama
Haatan dayradaadaa
Ku dadaalayaayoo
Ima diirinayside
Ogow dumarku kaa badan
Waan kaa daldoorsaday
dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa
Waan kaa daldoorsaday
dusha hayga xaganine
La dabaalo la dabaalo caashaqa

codkii Omar Shooli