VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ladnaan - Lyrics

Sida laago roob heley
Cosobkii ka lagac yiri
Lala raacay indhaha
Arooskiinu laacee

Ladnaan ku waaraay
Labadii isku raagtee
Liibaantey ahaada

Sida leyr cadceedeed
Cirkoo sagal ku ladan yahay
Lalabeystey subaxbaa
Arooskiinu laacee

Ladnaan ku waaraay
Labadii is jecelee
Liibaantey ahaada

Sida beer ladaaqoo
Wabigii ku liicoo
Mirihii lulaysaa
Arooskiinu laacee

Ladnaan ku waaraay
Labadii raaxeystee
Liibantey ahaada

Queue is empty
-- / --