VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sahankii jacaylka - Lyrics

Sahankii jaceylkaay Salaadaha dhexdoodaan Sahwiyaa daraadaa Hurdadaan ka salalaa Mana seexdo awgaa Mudda badan ayaan sugayey Inaan saami kugu hello Saddex kugu xalaashado Dabadeedna sabba wacaan Subixii aan waarabaa Nafta iigu sidigtahay. Adna sacabka ha u tuman Saadaasha beentaa Aduunyadaan silsiladaa Qofna kama salgaaroo Saas kayeel adoolehbaa Wadka laysku seegaa. Soomaaliyoo idil Dumarkoo safnaaday Munaddoodii sannadka Tii aan ka soocdaay Waxaad iila simantahay Quruxdeedii sidataa Qorax soo baxaysoo Qaarka sare u qaadoo Guud suran badweyntii Cirkoo sagal ku laran yahay Sayrisay falaaraha adna sacabka ha u tuman saadaasha beenta aduunyadan silsilada ah qofna kama salgaadhoo saa ka yeel adoo leba wadka laysku seegaa
Queue is empty
-- / --