VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Aduunyo - Lyrics

Aduunyada waa wareegto Waagii kastaba yimaada Wax uun baa laga dhaxlaayee Waqtiga aad jooogto maanta Haduu adiga kula wacnaaday Dadweenaha kugu wareegsan Niba war wartoo yabaasan?? Bulashada qaar baa Xaqiiqda waarankeeda Hadduu wariyahu tilmaamo Xogtiisu iyo waajibkiisa Wargaysada hadduu ku faafo Adigu wagar ha ugu qaadan Wadkii dhimashada hamoodin Ha weerarin aragtadiisa Xur iyo qoolkana xa wiiqin Shacbiyo waa wada walaalo Walaayo haday ku siiyeen Yar iyo wayn kuu codeeyee Ayaantaa kursiga fuushay Haddaad ruux wanaajin wayday Hadduu suxufiga warkiisu Websetyada ku faafshay Sun iyo waabaayo, ha moodin Xaqiiqda waarankeeda Hadduu wariyahu tilmaamo Xogtiisu iyo waajibkiisa Wargaysada hadduu ku faafo Adigu wagar ha ugu qaadan Wadkii dhimashada hamoodin Ha weerarin aragtadiisa Xur iyo qoolkana xa wiiqin
Queue is empty
-- / --