VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qarax - Lyrics

Soomaalaay ka qoomamee Qaraxii daraadee
Qalqaliyay dadkeenee, Qiyaanada ku aasneed

Qaran doonkii baa lumay, Dhiigaan qulqulayoo
Qabriyada dadkii galay cid  qareen  mee helin

Wadajir:
Maxaa qaladooy galeen
Maxaa qarax looga dhigay
Maxaa qudha looga jaray
Maxaan ku qaboobsanaa

C/Qaadir (Roobow):
Markuu Qarankeenii dumay
Markii quray loosu buubay
Markuu qaxa nagu habsaday
Ayaa quraxdii la waayay

Layla (Haliicin ):
Markii qiiqii ka kacay
Golaha qaranka iyo murtida
Bulashada Qaran lagu haligay
Ayeey Qamunyadu naqaaday

Wadajir:
Maxaa qaladooy galeen
Maxaa qarax looga dhigay
Maxaa qudha looga jaray
Maxaan ku qaboobsanaa

C/Rashiid (Rashka):
Dadkaan ku  qaraabta Diinta
Dadkaan Qoom kale u adeegaa
Dadkan qaribaayo dalka
Miyeen qaladu dhibeen

Nabiiha (Nalka):
Dadkaan maatida qalaaya
Dadkaan qiranaayo dhiiga
Dadkaan cadawaga u qareeno
Maxaa shacabka  u qafaasheen  ?

Wadajir:
Maxaa qaladooy galeen
Maxaa qarax looga dhigay
Maxaa qudha looga jaray
Maxaan ku qaboobsanaa

Maxamed (Kumaar):
Markuuu qarnigii na dhaafay
Markuu qiimahii wargayska 
Markuu magacii qarsoomay 
kuwii dib qabtee hagaajay

 

Fartuun (Qaran):
Inuu Qaabkii dhamaaday
Qabiil-kiina aasnay
Inuu dalka maanta qanni yahay
Kuwii qaaradaha usheegay

Wadajir:
Maxaa qaladooy galeen
Maxaa qarax looga dhigay
Maxaa qudha looga jaray
Maxaan ku qaboobsanaa

Lyrics by: Lamaane ahmed

Saxida by : Cumar

( Fadlan ahdii aad tahay qof ka naxsan umadii lagu haligay qraxii heestaan like gareey)
(Hadii aad daagee rsantahay sababta aad ku taageertay Comment ahaan u soo qor  midaaa aan Maalmo ku farxeen marnaba )

Queue is empty
-- / --