VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kawaankii dadka - Lyrics

shumacii aan daariyo qaylo dhaantii aan diray haday dadka wada gaadhay diiquba dawaco waa dili karaa duulka maanta ahe war dabarka iska jaro oola dirira qoomkan diinta ku qaraabta dabadeed hala idilo anoo xaqa dar daarmaaya geel jir baan ahay ka damqada dhibkoo damiirkaa iwada x2 hadii aan daraad danbi waxad gasheen diiwaan ku qoray oo dadka aan hordhigay x2 oo doodiinu tahay hadii aad nadeen waa lagu dilaayaa x2 cirka soo dunshoo waa noo dagaal waa noo dagaal x2 dibi geeso ween lo'da wuu didshaayoo u diidaa harkee udiidaa harkee x2 dad kaad dooxateen daarahood ka qaxay ceelashii u diday baad sii daba gasheen oo daba gasheen x2 dalka kuwii ka dhigay kawaankii dadka darajadaad rabtaan waa doqonimo damaq inaad laheen dunidu waa ogtahoo waan wada og nahee x2 dalka waxaa u hari kii daacadiyo kii diir naxee dhiig daadinayn x2 dalka waxaa u hari shacab kaan dayacan daryeel kay rabaan kii la doonayee deg deg wax ugu qaban x2 dalka iyo dadkaba waxa u hari danta kii wadee xaq u doodayee umadaan dayacan diiftiyo dhibkiyo darxumada ka jira x2
Queue is empty
-- / --