VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhedig iyo Labood - Lyrics

Waxaad iiga dhigantahay
Cadceed sii dhacaysoo
Godka cirifka dhigatoo
Isku dhiibtay nuurkii
Falaarihii is dhaafayn,
Hab dhiskaaga muuqiyo
Dheehaaga quruxdanna
Aadmigu la dhacayaan
Marna dhaafin maankayga
Dhabtii waan ku jecelahay.

Dhedig iyo laboodkaba
Rabbibays ku dhaliyoo
Naxariis dhexdhigayee
Aan wadda dhamaynee
Guur ma wadda dhadhaminaa?

Hammi dhoofisaad tahay
Illaahay dhameeyoo
Anna dhugashadaadii
Dareemahaad dhexqaadoo
Dhaqsaa lay haleelay,
Halacsigaaga dhaayahaa
Kugu dhaygagaayoo
Dhankaagaa u jeedoo
Dhuuniga xusuusanoo
Marna kaa dhargaynee.

Queue is empty
-- / --