VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xabiibtaan jeclaayoo - Lyrics

Qoomaal: Xabiibtaan jeclaayeey Xushmad iyo kalgacalee Xaaskeygii rumaadeey Qurux loo cantoobshaay Marka aad xageygaa Xasil usoo dhaqaaqdaa Xubigaa isaaqaa Nafta xiisa galisaa Xasarad iyo dhibaatadaa Inta xumaha jecel Xaasidku siduu rabo Faadumooy xayaati Xaakimkaa ka magan galay Xaawa kiin: Xabiibkaan jeclaayoo Xiska iyo maankiyo Xididada wadnahabaad Xubi aad ku beerdoo Kaa xiisi maayee Xaqiiqdii waxaa tahay Xalwadii jaceylkiyoo Xulashadi nafteyd Xasarad iyo dhibaatadaa Inta xumaha jecel Xaasidku siduu rabo Cadaan iyo xabiibi Xaakimkaa ka magan galay Qomaal: Xiddigtii haweenkaay Xurmad iyo sharaftii Xiriirki dhexdeeniyoo Xanaanee ishqiga Xil adaan ku saartee Xubi iyo nasiibeey Xiisahaan an ku qaboo Xumaan kuuma quuro Xasarad iyo dhibaatadaa Inta xumaha jecel Xaasidku siduu rabo Faadumooy xayaati Xaakimkaa ka magan galay Xaawa kiin: Xubiyoow ogsoonow Cad malaha dhexdeenee Ciidankiisa caashaqiyo Qalbigaad ku mirantee Xarigii islaamkiyo Labadeen ayaantii Xurma wada wadaagaa Xumaan kuuma quuree Xasarad iyo dhibaatadaa Inta xumaha jecel Xaasidku siduu rabo Cadaan iyo xabiibi Xaakimkaa ka magan galay
Queue is empty
-- / --