VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Soo rogaal celi - Lyrics

Qof tahay rafaadiyo Raaxada aduunkaba Rabibaa sameeyoo Taariikhda raadka leh 2× Wey is riixaysaayoo Waayaha is rogrogayee Wey is riixaysaayoo Waayaha is rogrogayee Qareenka na soo maray Iyo ramad geedo leh Ciduun raaci maysee Qareenka na soo maray Iyo ramad geedo leh Ciduun raaci maysee 2× Labadeenu raaxooy Kala raysan maynee Labadeenu raaxooy Kala raysan maynee Inaga isku raynee Haatan soo rogaal celi 2× Run ha moodin sheekada Waxa aad ka maqashee Kuwa reera dumiyee Kala raraayaaba badan 2× Raaliyo ninkeedee Raxmadii alana furan Raaliyo ninkeedee Raxmadii alana furan Raasamaalku waa ubad Waa sidaa rag iyo dumar Reerkeena qanigaa Raasamaalku waa ubad Waa sidaa rag iyo dumar Reerkeena qanigaa 2× Labadeenu raaxooy Kala raysan maynee Labadeenu raaxooy Kala raysan maynee Inaga isku raynee Haatan soo rogaal celi 2×
Queue is empty
-- / --