VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hiloow - Lyrics

Halyeygaan jeclaayoo Habeen iyo dharaar dharaar Hurdadii ka tagayoo Hareerahaan kaa dayaa Kaa dayaa 2× Hankaygaa ku raacayoo Ma hadhsado awgaa Haraadbaan kuu qabaa Haminaa haminaa Haminaa waan kuu hayaa 2× Haasaawihii dhexdeenaa Hilaw igu abuuroo Halbawlhaa wadnahaan Hoy kaaga dhigayee Hubaal ii ogsoonoow 2× Hormuud hormuud Kii naftaydoow Hibo iyo habsami Habsami habsami Eebe kugu hagoogoo Hido waxaad u leedahay Aa u leedahay 2× Dhaqankeenii hooyaad Hilinkeedii hayee Haybadiyo hanaankiyo Hantidaa hantidaa Hantidaa daweeya 2× Haasaawihii dhexdeenaa Hilaw igu abuuroo Halbawlhaa wadnahaan Hoy kaaga dhigayee Hubaal ii ogsoonoow 3×
Queue is empty
-- / --