VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Baadi goob Qaran - Lyrics

Waxa loo baahanyahay Inaan wax ka barano shalay Waxa loo baahanyahay Qabiil ma badbaadiyee Inaan qaran baadi goobno Waxa loo baahanyahay Soomaali way baahantay Waxay u buktaa cadaalad Muday bayhoofaysoo Fuqiyo beerku isku dhagay Biniixo yarooyinkiina Haduu u bildhaamay maanta Dunidu eegmo ugu baaqday Waxaan ku bogaadin lahaa Ilayskaa soo baxiyo Bidhiiqa inaan la damin Bayaanka waxaan uga socdaa Jidkii lagu ba'ay mar hore Inaan lagu celin bulshada Waxa loo baahanyahay Inaan wax ka barano shalay Waxa loo baahanyahay Baydaadan lahayn yadiisa Booligu kuma dhacan tiree Inaan ka fogaano baadil Waxa loo baahanyahay Qabiil ma badbaadiyee Inaan qaran baadi goobno Masuuliyad buur ka culus Bad wayno ka daran amaano Miisaanka balaadhayoo Baaxada oogadaada saaran BOQORKAA kugu eegayee Hadaadan bogan xilkaaga Dariiqii mari samato bixinta Xaqiyo kala saar baadil Waliba dhibana bogsiin Qudhaada loo booqaa Bayaanka waxaan uga socdaa Balaayo qofkii u yeedha Ayay ka jartaa boqnaha
Queue is empty
-- / --