VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Bartaad igaaga taallee - Lyrics

SAADO CALI WARSAME Bartaad igaaga taallee bar kale dawayneyn mid bogsiin haddaad tahay axdiguna bir kula yahay ballantii aan dhigannaba waligaa ha beenayn barashadii kalgacalkuna bilaash yaanay kula noqon Marse haddaan barbaartii Baxsanoow daraaddaa uga soo bannaan baxay cidla haygu baylin CABDI SALAAD AADAN "BEER-DILLAACSHE" Badbaaddadii naftaydaay farxaddaan is barannaay niyad lagugu beeraa soo booqo igu tiri ballankii Ilaahay sharaf kugu habooneey Bilaneey hadaan helin ha'woow guura ii duumin saw badi hablaha qaar biyo kuuma siiyeen sow barkeed adduunyada kaaga ma dhigeen boqor Balse waxaad ogaataa inaan baydi iyo hodan iyo meel barwaaqa ah ugu baaq is leeyahay SAADO CALI WARSAME Boholyoow daraaddii bartamaha habeenkii saw maan soo baraarugo oo boggaygu kuma tebo beerka iyo wadnuhu ani saw ima babbanayaan adaa baday jacaylkee haraadkiiba kama bi'in Marse haddaan barbaartii Baxsanoow daraaddaa uga soo bannaan baxay cidla haygu baylin CABDI SALAAD AADAN "BEER-DILLAACSHE" Badbaaddadii naftaydaay farxaddaan is barannaay niyad lagugu beeraa soo booqo igu tiri sow beel nimco ahi iyo bulsho caafimaad barni inaan ku kulannaa beerkeyga kumaan hayn Balse waxaad ogataaa inaan baydi iyo hodan iyo meel barwaaqa ah ugu baaq is leeyahay
Queue is empty
-- / --