VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta War ninkoow - Lyrics

Dariiqaa anoo jaraaya Anoon uga jeedin hadal Anoo jiiqinaaya muuqa Cadceedu markeey lajoogto Dhididku jilbihayga qooyay Ju baa igu tiri shalay War ninkoow Ninkuba dib u jarmaade Jidiinka waxaad marisiiso Dadaalkeedii kujira Inaan kaa joojo hadal Anaanba jecleysaneeyn Su'aal baan jirinayaaye Alla jawaab ma isiin kartaa War ninkoow war ninkoow Intaad uga jeeddid guudka Xariirtii la igu jaqay Wixii jaawi la igu cujay Wixii cadar la igu jabiyay Jibtiyoo bootintii Ciyaaraha jaadbajaad Jubbaay adigaa iskaleh Jalbeebtaadu wey aheeyd War ninkoow war ninkooow Illaa juuliyo jawaay Ilaa iyo jeedda bari Halka saylac kujoogto Intii jinsi aan wadaagno Alla jabuuti waxbaa ka yimidee Alla war ninkoow war ninkoow Sidaad ii joojiseen Salaaddii noo jarteen Intaa waa jiitamaayee Haddeeraan juuqda gabay Dadkeey xaggee jiraa Ma ii jeedaan miyaa Gidaaradii ineey jilceen Daaqadihii iga jabeen Iftiinkii la iiga jaray Habaaska dhexda jiifa Inaan cidi joogi karin Carradu jaarkeeyga tahay Ineey jiiriyo bisad Julmiyo iyo jirriqaaga iyo Dhammaan jinic igu hoydaan Wixii aan jalaqsadaa War ninkoow war ninkoow Maxaan sidan igu jirribay Ma danbi baa la iga jarin Miyaa la iiga xiisa jabay Dalxiiskii miyaa lajoojay Ma jiifbaa iga wacnaaye Middaasaan jirinayaaye Alla jawaab ma isiin kartaa War ninkoow alla ninkoow Jaciyo ceebta iga raacday Jawaab sugan waan uwaayay Waxaan jilicsani ku iri Jidbaa seedahay jubbaaxi Bal jaarka aad ii tahiyo Curubana soo jalleec Adaa wali johard sidaa Jubbaay jubbaay War ninkoow ninkoow
Queue is empty
-- / --