VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Alla Barashooy - Lyrics

Aniguba baryaha qaar waataan bad iyo wabi buuraha ka lali jiray aniguba baryahaa qaar bulshada iyo sahankaba waataan budulka marin jiray waase bixiso bixisee caashsaqan biyiyo oon badankaygii kaba jaray anigaa u buseelee taan u beer cadaadee cadaadee buhda iyo nafta ahayd iyadaa iga baydhee Bariidaduna waa sed'e Ruux Bukaanka Kugu nacay Adoo baahan kaatagay samo, Samo ku banaanee Alla barasho, barasho wacanaa bi'i waa adduunyooyo maxaad laba boglaysaa hawlahaagu badanaa Aniguba baryaha qaar waataan dilaan jiray ee aan baadka noqon jiray aniguba baryaha qaar biixida lafdhabartiyo waataan qoorta bili jiray waase bixiso bixisee caashsaqan biyiyo oon badankaygii kaba jaray anigaa u buseelee taan u beer cadaadee, cadaadee buhda iyo nafta ahayd iyadaa iga baydhee Bariidaduna waa sed'e Ruux Bukaanka Kugu nacay Adoo baahan kaatagay samo, Samo ku banaanee Alla barasho, barasho wacanaa bi'i waa adoonyooy maxaad laba boglaysaa hawlahaagu badanaa
Queue is empty
-- / --