VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gari Makaa Baxdaa 2 - Lyrics

Wiilka: Gari ma kaa baxdaa Adiga ma ku gashaa Adiga ma ku geydaa Adiga talo ma kaa go'daa? Gabar yahay nin baa yiri; Ka gabyaayay caashaqa Kalgacayl gob weeyaan Kii nacaa gun weeyaan Hadalkiyo godkiisee Ma u garatay xeesheed Mise geeddi baa dhimman? Gabadha: Gari ma kaa baxdaa Adiga ma ku gashaa Adiga ma ku geydaa Adig talo ma kaa go'daa? Jacayl guulle oo Gacmo furanna lagu dhaqay Farxad lagu gardaadshaa Gabdho loola imaan jiray Nin ba miraha uu guran Geedkuu yaqaannaa Noloshiisa waa u-gaar Wiilka: Gari ma kaa baxdaa Adiga ma ku gashaa Adiga ma ku geydaa Adiga talo ma kaa go'daa? Gar cadaawe sheekada Haddii aad ku goyseen Ood baratay gaadmada Iyo uur-gumaarkaba Usha xubinta laga goyn Geel-jiraa yaqaannee Maxaa adiga kaa galay? Gabadha: Gari ma kaa baxdaa Adiga ma ku gashaa Adiga ma ku geydaa adiga talo ma kaa go'daa? Godob ruuxii laga galo Gocoshada ma daayee Kii galayna maba oga Gashi buu amaahdee Gaar ba meeshuu guud maro Gorod baa hor joogtee Waa inoo gun iyo baar Wiilka: Gari ma kaa baxdaa Adiga ma ku gashaa Adiga ma ku geydaa Adiga talo ma kaa go'daa? Anigu goray haldhaa iyo Wiyil gaaxataan ahay Adna goroyo cawl iyo Geri oomman baad tahay Shinbir garab la' baad tahay Guuguulaha dhawaaqaa Gabbal yaanu kaa dhigin Gabadha: Gari ma kaa baxdaa Adiga ma ku gashaa Adiga ma ku geydaa Adiga talo ma kaa go'daa? Gobi waxay u hoyataa Guri nabadi taallaa Garna waxay taqaanaa Ka-garaabaheedii Ruuxii sheeka kuu galaa Haddaan hadalka laga gurin Inuu gaabsadaw roon
Queue is empty
-- / --