VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Moog Iyo Jaceyl - Lyrics

Mid un baa qalbiga
ka maqnaaninoo
ku dhex maaxatee
kama maarmayoo
marki aan arkana
meel unba i Godee

Moog iyo jaceyl
moog iyo jaceyl
waa maxay?

Waa macaan
amba waa qaraar
kolba waa siduu kugu soo maree
waa magac cudur
midka ugu xumee
dadka muuqiis
mamoodeyn sidanee
ma maleya ooh
maxa lagu daweeya?

Midab lagu gartiyo
waxan muuq laheyn
ayun bey i mirtee
muran iyo garbaan
mudud duur cidlaan
isku muruxsanee

Moog iyo jaceyl
moog iyo jaceyl
waa maxay?

Waa macaan
amba waa qaraar
kolba waa siduu kugu soo maree
waa magac cudur
Midka ugu xumee
dadka muuqiis
mamoodeyn sidanee
ma maleya ooh
maxa lagu daweeya?

Ma hartada dhibka iyo
murugadan qabaa
iga muuqatee
Dadku ii maleyn
inaan ahay maraan
lagu maadsadee

Moog iyo jaceyl
moog iyo jaceyl
waa maxay?

Waa macaan
amba waa qaraar
kolba waa siduu kuu soo maree
waa magac cudur
midka ugu xumee
dadka muuqiis
mamoodeyn sidanee
ma maleya ooh
maxa lagu daweeya?

Queue is empty
-- / --