VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Habka nolosha - Lyrics

dhulku roob hadheeyoo meel kastaba hilaac jiro himitiyo caleentii geeduhu hiraayaan ayaan ku haybinaayaa hoodiyo ayaaniyo hablahaad ugu horaysaan haybadaada quruxda leh naftaa ku haraadee halkeen kaa helaayaa habka nolosha ugu wacan ayaan kuula hiigsan doonaaye ayaanay heelo kugu noqon hanaankaaga quruxda leh hamigayga buuxshee habeenkiyo dharaatii waa la i kaa horkeenaa waan kugu haminayaa hamuunta aan kuu qabo habeen kuma idlaatee ilaa aanku helo adi hadhsan maayee aniguye sahalow macaanow
Queue is empty
-- / --