VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Suldhabaale mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Cabdirahman Dheere
Suldhabaale

A/Rahman Dheere:
Xoolahaba Sumadaa
Lagu baadi soocaa

Dadna weedha sugan iyo
Sawraca tilmaantaa
Lagu kala sifeeyaa
Anna geelba sibir godon

Kugumaan Salaamine
Sababaan Tirsanayaa

Suul Dhabaale waa hadal
Haddana waa si Gooniya

Waxan sidaa Jacayl
Aan kula sugaaye
kugu simaye iga hoo

———-
Sahra Ahmed
Cirku Sagal daruureed
Subaxdii U leeyahey

Waxa laga sugaa
Saadaasha roobkiyo
Xili Seermo waydee
Inaguna sad iyo calaf

Iyo si Alle mooyee
Ka sal gaadhney caashaqa

Sanqashaduna waa hadal
Haddana waa si gooniya

Waxan sidaa Kalgacal
Aan kula sugaayee
Naftan ma isku sidignaa.

—————
A/Rahman Dheere
Surma seegto Waligeey
Iyo waxaad saluugtaba

Labadaba ka saahidey
Adna kaama sugayee
Sanqaroor gamaan leey
Sabar geenyo ugub leey

Quruxdii Suleekhiyo
Samirkii Ayuubleey

Suuldhabaale waa hadal
Haddana waa si gooniya

Waxan sidaa jacayl
Aan kula sugaayee
Kugu simaye iga hoo

Sahra Ahmed:
San ku neef le adigaan
sadriga iyo laabtiyo

Qalbigaba ka sahansadey
Indhaha ruux aan saaroon
Kula simanba maan arag
Soomaaliya oo idil

Saami iigu muu hadhin
Adiguna iskeey sii

Sanqashaduna waa hadal
Haddana waa si gooniya

Waxan sidaa Kalgacal
Aan kula sugaayee
Naftan ma isku sidignaa

codkii Cabdirahman Dheere, Sahra Ahmed