VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Suugaan da weynoo - Lyrics

Suugaan da'weynoo Dad hore yiri baa tiri Dameeraa dihashada Weylo daaqiyo dhalay Dad miyuu aqbalayaa Waxaan uga danleeyahay Daawadeeydu ay tahay Ana kaan u daalee Udayoobay awgii Marna tirada kuma darin Dood buu kula gelin Warkaase dabaylaha Duufaan ku yiri sidee Ma runbaan ku daayaa Dibna kuuma magdhamo Misee dira diraallaa Kala diraa dadka isjecel Labadii isdoortaba Waa loogu dawgalay Ayaa dankalee wadaa Duminaaya caaashaqa Waa tan nabaddii durugtee Horta yaan isku keen diray Danbigaa yaa iskaleh Dumadiisa yeey tahay Yaa dabanidaa dhigay Yaa dooxay caashaqa Qalbigeennii doorsaday Sugaan da'waynoo Diiwaan galaa tirii Nugaal duduf laga waa Docmana aroor qaday Dad maqaadan karayaa Waxaan uga danleeyahay Ama dacwadu iga tahay Ana kaan dubiyo jiir Udubaaxshay awgii Dareenkayga kama helin Duurkay kala gelin Warkaanse dalabtiyo Iigu yimid durduro fudo Ma runbaan ka diga rogay Dibna waadan u arkayn Mise daduu na fashilaybaa Ayaamuhu dalaq yiri Damac waashay baa jira Waxaa aan la'aan ku daayee Ku dabaalayeestaba Dakharkii safeysnaa Waa tan nabaddii durugtee Horta yaan isku keen diray Danbigaa yaa iskaleh Dumadiisa yeey tahay Yaa dabanidaa dhigay Yaa dooxay caashaqa Qalbigeennii doorsaday
Queue is empty
-- / --