VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Deeq - Lyrics

Deeq aragtidaadii Deymada jaleecada Indhahaa ku doogsada Ugu ruux ka daawado Ragba dunida joogaba Haldoorkaadii baad tahee 2× Sida damal magoodoo Caleentii ku dadantahay Dusha uga hilaacdaan Dun xariira iyo shaal Dayax nuuray baa tahee 2× Inaad inaad daacad ii tahayee Axdigeenii daayicin Iigu dhaaro diintoo Degdeg degdeg aan war kaa helo 2× Doondoonidaadii Naftan kuu dagaantee Dabayluhu ay qaadeen Daruuraha ay i geeyeen Dalanbaabigaagii Dunidaan shiraacnay 2× Waayuhu dul saareen Mawjadaha dakaamaha Darbiyada ku xooreen Dawo waxa u noqon lahaa Deeqo aragtidaadee 2× Inaad inaad daacad ii tahayee Axdigeenii daayicin Iigu dhaaro diintoo Degdeg degdeg aan war kaa helo 2×
Queue is empty
-- / --