VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dirir - Lyrics

Diriraay hilaacaay Hadii aanay daroorayn Cirku da,ayoo dihashada Dhulka ubax dilaacoo Daymada u rooniyo Deegaan ma yeeshee 2× Dookhiyo kalgacalkana Hadaan la isla dalandalin Dareenkiyo xishoodkana La isa soo dunuunucin Dibindaabyo mooyee Duxba lagama gaadhee 2× Inta nacabku nabdigan Dabayl raacin sheekadu Aan is daadahaynee Darandoori caashaqa Darandoori caashaqa Carab labada daaniyo Dadku wuu is diidaa Marmarbaani dacaroow Ku heshiinin doodee Ha yeeshee duqaadiyo Dadka lama il duufee 2× Anoo kuu dibaaxshiyo Adoo doogta ila mida Inaan kala dan durugnaa Kuma daaro caashaqu Dirirtiyo colaadoo Degba lagama gaadhee 2× Inta nacabku nabdigan Dabayl raacin sheekadu Aan is daadahaynee Darandoori caashaqa Darandoori caashaqa
Queue is empty
-- / --